Qofka suuxa soonkiisa ka warran?

Jawaab : Qofka suuxa waa 2 qaybood marna qofka waallan ayaa la raaciyaa marna qofka hurda ayaa la raaciyaa. Hurdadu soonka wax uma dhinto ka soon ahaan , salaadda kugu dhaaftay waa arrin kale . Caqliga tagay ee maqnaana soonka waa jabiyaa. Qofka suuxaa 2daas kee raacayaa? Suuxdintisuu ma wax maalinta oo dhan qaatayba mise waa wax googo'aya oo mar uu suuxayo marna miyirsanayo ? Hadii uu suuxayo oo uu miyirsano sida hurdada weeye soonka ma jabinayso . Hadii ay suuxdintu maalintoo dhan qaadanayso soon ka ansixi maayo.

Tixraac: https://youtu.be/oiwuNrUpBsY?si=Z_IJbtdHmVmipwnA (daqiiqada 37:00)

Logo