Soon dhaar ah iyo mid qallo hal mid ma u wada niyoon karaa?
Jawaab: Horta kafaarada dhaartu soon ma'ahan , hadii aad dhaarato oo aad wixii aad ka dhaaratay aad samayso waxaa lagaa doonayaa inaad: 10 maskiin inaad quudiso ama 10 maskiin dhar siiso. Inta badanna waa la awooda tan mana ahan in soonka lagu cararo isla markiiba. Tusaale maryahay boorsada kaaga buuxa oo aad 10 masaakiin u qaybiso ayaa kaaga filan . Soonkuna marka aadan raashin iyo dhar aadan haysan ayuu imaanayaa.
Hadii ay dadka Soonka laga rabo aad ku jirtid 3dii maalin ee soonka ahaa iyo 3 qallo ah oo lagugu lahaa isku kaa gali maayaan waa 2 waajib oo lagugu leeyahay. Waa qof yiri salaad Duhur maan tukanine , haddana casar ayaa la joogaa waan isla 4 rakcadooden tani Soo iguma filna. Marka socon mayso 2 cibaado oo mid walba goonideedeed loo rabo la isma galin karo.
Tixraac: https://youtu.be/_qimturkTH4?si=4NrsXh_4rLgadY5o (daqiiqada 5aad)