Qofka musaafirka ah midkee u fiican inuu soomo mise inuu afuro?
Midaas ayaa u fiican lama dhihi karo oo dhowr arrin ayaa saamaynaya; Isaga awoodisa ma soomi karaa oo soonku ma wax buu u dhimi karaa: caafimaakdiisa iyo awooddiisa ama dantii uu lahaa hadii soonku waxba u dhimayn inuu soomaa fiican haduu soonku wax u dhimayana ama culays ku noqonayo inuu afuro ayaa fiican .
Nabiga SCW isagoo safar ah ayuu soomay ,marna afuray. saxaabigii Xamsata Al Aslami ayaa nabiga SCW ku yiri nin safar badan ayaan ahay waana soomi karaa nabiga scw wuxuu ku dhahay
(إن شئت فصم وإن شئت فأفطر) .
Waxaan la ogalayn soon khatar ku galinaya, sidii ninkii intuu soomay isagoo safar ah oo nabiga scw la socda miyir beelay ee nabigu scw yiri maxaa ku dhacay? Asxaabtuna ku yiraahdeen wuu soomanyahay mana afuryo ayuu yiri , markaasu nabigu scw yiri : sidaan oo kale in safar loogu soomo ma'ahan birriga iyo taqwada Alle loogu dhawado
لَيْسَ مِنْ الْبِرِّ الصَّوْمُ فِي السَّفَرِ
Hadday u fududahay inuu soomo soonkaa uu fiican ,Ileen hadhow qallaynta inuu haleeli waayo ayaa laga yaabaa .
Tixraac: https://youtu.be/ChE9hebBhZ8?si=iHWWebEsMzqWLx0G (Daqiiqada 10:50)