Qof soomaan cuno ma dhadhamin karaa?
Haddayna waxba liqin dhib malahan. Cunada la dhadhamiyo ee iliga lagu qabtay ,haddaan dhuunta wax marin dhib malahan. Markaad waysaysanaysid soo ma luqlutid soo biyihiin ilka iyo afka ma maraan soo inta caday qaadatid ilkaha ma marmarisid? intaan soke ee afka kaliya galaya soonka ma jabiyaan ee wixii dhaadhaca ee dhuunta mara hadday liqdo oo kale soonku wuu jabayaa sida aad adigu markad waysaysanaysid biyaha luqluqashada hadaad liqdid soonku u jabayo. Laakiin dhadhaminta iliga ama carabka lagu dhadhamiyo kaligeed soonka ma jabiso, biyahaad ku luqluqanayso hadday qaraar yihiin iyo hadday dhanaan yihiin waad dareemi tanna waxba kama duwana.
Tixraac: https://youtu.be/ChE9hebBhZ8?si=aOx-fBqqOSUA8mpA (daqiiqada 6aad)