Inaan guriga ku tukado Taraawiixda iyo inaan masaajidka ku tukado yaa fadli badan?
10:46 AM, March 05, 2025
Inaan guriga ku tukado Taraawiixda iyo inaan masaajidka ku tukado yaa fadli badan?
Hadaad tukan kartid inaad gurigaaga ku tukatid ayaa fadli badan badan . Taraawiixda ayuuna ku yimid xadiiska saas sheegaya. Nabigu scw bil Ramadaan ayuu habeen tukaday, asxaabtuna way ku xirteen , habeenkii 2aad ayaa la is gaarsiiyay way bateen tiradu. Habeenkii 3aad tiradu way ka sii badatay. Nabigu scw markuu arkay sida loo soo batay , gurigiisa ayuu iska galay masaajidkiisa waa la soo buuxdhaafiyay. Salaad subax markuu tukiyay ayuu hadlay uu u iri: xalay waxaad samaynayseen igama qarsoonayn dadaalkiina waxaan ka baqay in Ilaahay waxyi soo dajiyo oo waajib la idinkaga dhigo kadibna aad awoodi waydaan. Guryihiinna ku tukada.
Salaad aad tukato waxaa ugu fadli badan tan aad gurigaaga ku tukatid marka faralka waajibka ah laga reebo. Meesha la joogo waa masjidka nabiga SCW . Cidda tujinaysa waa tee? Waa nabi Muxammed scw .Waqtiga la joogana waa habeen bil Ramadaan ,haddana nabigu wuxuu yiri guryihiinna ku tukada . Waa qofkii tukanaya . Shaydaanku marar buu wuxuu ku dhihin gurigaaga ku tuko. Waadna ka mashquuli gurigii oo gurigii iyo masjidkii midna ku tukan maysid . masjidka, guriga ku tuko ayuu kaaga soo kaxeeyay. Hadii ay sidaan ku qabsanayso , salaad iyo salaad la'aan isku mid ma'ahan ee ajarka jameecada qaado.
Tixraac
https://youtu.be/oiwuNrUpBsY?si=A4plf6eH4zwe-gaT (Daqiiqada 39:50)