Waa maxay xukunka faalka?
Waa diin la aan ,diintu qofka waxay u diiday sixirka oo ay ku sheegtay dunuubta u waawayn , qofaad disho iyo gaalnimada liiskoodu ku jiraa, qofka sixirle u taga diintii nabi maxamed scw uu ka gaaloobay waa xadiis saxiix ah . Falku waa sixirkii waa xaaraan in gabdhu ninkeeda fasho ama faaliye u tagto ama qofku faaliye u tago waa gaalnimo diinta islaamka wuu uga baxayaa.
Faalintu wa tusbixii oo la rido oo la yiraahdo arinkaasi sidaasuu noqonayaa , arrinkaasuna sidaas ayuu noqonayaa , mustaqbalka laga sheekeeyo, iyadana way soo raacysa waa mamnuuc. Mustaqbalka Ilaahay uunbaa og.
عالِمُ الغَيبِ فَلا يُظهِرُ عَلى غَيبِهِ أَحَدًا
Waxa qaybka ku maqanna Alle uunbaa ogsoon. Adoon kuu sheegi kara waa Nabi , Nabi Nabi maxamed ka dambeeyana ma jiro. Mustaqbalkaaga aamin oo Alle ku kalsoonoow. Fooxa hadii la shidayo aqalkaa ayaa lagu carfiyaa laakiin foox rooxaan laga dhex eegayo oo la leeyahay qiiqii halkaasuu u kacay iyo rooxaan baa ka dhex muuqata waa jin iyo jaan iyo qofkoo jiman kaashanaya , qofkaasina wuu madoobaanayaa , siduu arrinkaas ugu jiro ayuu baadi sii noqonayaa .
In jimanka iyo roxaankta la kaashadana waa xaaraan nabi maxamed SCW ayaa Isticmaali wayay cid kalaba daa. Innaga insi ayaa na la dhahaa iyagana jin ayaa la dhahaa, sidaas na loogu qariyay ayaanana u wada shaqysan karin hadaad tiraahdo waan la shaqaysanaya dariiqo xaaraan ayaan ula shaqaysanaysaa. Dadka u taga iyo kuwa ka shaqeeyaana waxaan leenahay Alle u towbad keena.
Tixraac : https://youtu.be/9pqIWIO07Qg?si=h5L44fR1KNjlargf (Daqiiqada 6:54)