Qof sanado cibaadadu ka khaldanayd oo gadaal ka saxay ,intii khaldanayd miyuu soo qallanayaa?

Qofka muslimka waxa waajib ku ah axkaamta islaamka inuu barto. Waajibkaasi inaadan is dareensiin oo aad dayacdo ama ku dadeeli waysid kaaga dhici maayo. Hadii walaalkaas dahaaradu ka khaldantay oo mudda dheer sida khaldan u cibaadaysanayay hadii uu garanayo in salaadihii ka khaldanaa ay qayb uun ahayd ee aysan salaadaha oo dhan ahayn wuu dadaalayaa oo intuu is lahaa way kaa khaldanaayeen ayuu la imaanaya, hadii uu is leeyahay waxa oo dhan waa kaa khaldanaayeen,inuu salaadihii soo celiyo kolba Siduu u karayo ayaa laga doonayaa. Oo waajibaadka Alle ku saaray kaagama dhacayaan maan garanayn .

Waxyaabaha duruuriga ah inaadan garanayn laftigeeda ayaaba halis ah . Mar walba ayay culimadu joogtaa oo diinta sheegaysaa. Hadii qofku uu baadiye joogo ,oo inuu saxanyahay uu is moodayay waxbaa loo baarbaari karaa balse qof magaalo iyo goob culimo joogto joogay ee asagu ka gaabayay waa laga rabaa inuu soo qalleeyo.

Tixraac : https://youtu.be/_qimturkTH4?si=4NrsXh_4rLgadY5o (daqiiqada 2aad)

Logo