Maalin walba niyada soonka ma la iga rabaa mise hal niyo ayaa igu filan?
11:01 AM, March 04, 2025
Maalin walba niyada soonka ma la iga rabaa mise hal niyo ayaa igu filan?
Haa waa lagaa rabaa maalin walba ,rasuulkaa scw inoo sheegay wuxuu yiri rasuulku: qofka aan soo niyoonin habeenkii malahan soon.
«من لم يبيّت الصيام من الليل فلا صيام له»
Daliilku qowlkaas ayuu wafaqsanyahay sida nabigu scw noo sheegay. Waxaase xusid mudan niyadu ma'ahan erayo la akhriyo ,muhiimadu qofku qalbigu ayuu ku qabanayaa laga soo bilaabo suxuurta ilaa afurta inuu berri soomi doono ,muxuu u suxuuranayaa qofku? Dee waa inuu soomayo ,intaas niyo ugu filan .
Tixraac: https://youtu.be/xSHZlug2F8o?si=WlL3BXYAl0uSTxmq
(daqiiqada 7:25)