Qof sooman hadii uu is illaabo oo uu wax cuno ama cabo soonkii ma ka nusqaamayaa?
10:45 AM, March 04, 2025
Qof sooman hadii uu is illaabo oo uu wax cuno ama cabo soonkii ma ka nusqaamayaa?
Jawaabtu waa maya , nabigaa scw inoo sheegay qofkaasu inuu fursad ka faa'iidaystay oo Ilaahay cunno iyo cabid siiyay oo jaanis uu helay, laakiin dadku waxay ku yara khaldamaan qofku asagoo afka ku haya cunnadii iyo cabiddii ayuu is xasuusanayaa markaasuu liqayaa, markaas dambe ayuu iska jabiyay ee marka hore kamay jabin ,intuu naxo qofku ayaa naxdintaas darteed ayaa laga yaabaa inuu liqo markaasuu soonkii ka jabay. Kolka uu is ogaado inuu soomanaa waa inuu iska tufaa wixii uu afka ku hayay kana luqluqdaa ,dhibna malaha. Qofka kolka soonka ka jabayo waa inuu yahay qof u kasay waxaan uu samaynayo.
Tixraac: https://youtu.be/xSHZlug2F8o?si=WlL3BXYAl0uSTxmq (Daqiiqada 6:20) .