haddaan niyoodo ama miskaxda iga soo dhaco soonka iska jabi miyuu iga jabayaa?
1:28 PM, March 04, 2025
HADAAN NIYOODO AMA MISKAXDA IGA SOO DHACO SOONKA ISKA JABI MIYUU IGA JABAYAA?
Horta soonku kaama jabayo ,xataa hadaad go'aansatid inaad iska jabiso culimadu waxay rajaxayaan inuusan kaa jabayn ilaa aad wax cunto ama wax jabinayo samayso. Hadii waxaanu iska yahay waswaas kugu soo dhacayna ajarkaagii waxba u dhimi maayo Insha Allah. Balse hadii ay go'aan noqoto waa laga yaabaa soonkaaga ajarkii aad ka heli lahayd ay dhibaato ku imaato oo adigoon cudurdaar lahayn hadii go'aansato inaad jabiso waa xumaanta aad go'aansatay oo ajarkii wax yeeli karta.
Tixraac: https://youtu.be/rA_ZrQ9WZ5I?si=2p96oRK3G0DfHMdI (daqiiqada 16:16)