Gabadhu ninkeeda shardi ma uga dhigi kartaa ha ila guursanin ?


Culimadu 2 rayi ayay qabaan , qaar waxay leeyihiin shardigaasu sax maba ahan , waxaana qaba Imaamu Shaafici. Qaarna waxay leeyihiin shardigaasu waa ansixi karaa, hadduu ninku galana waa inuu ilaaliyo . Waxayna u daliilsanayaan xadiiskii Nabiga SCW:
إن أَحَقُّ مَا أَوْفَيْتُمْ مِنْ الشُّرُوطِ أَنْ تُوفُوا بِهِ مَا اسْتَحْلَلْتُمْ بِهِ الْفُرُوجَ
Xuquuq mid la oofiyo waxaa ugu mudan midda aad dumarka xubintooda taranka ku xalaalsateen. Shardi la ilaaliyo kaasaa ugu muhiimsan. marka waxay leeyihiin shardigaan waxna ma xalaalayn waxna ma xaaraantinimayn. Ninku inuu xaas 2aad guursado faral ma ahan waa shay banaan ama sunno ah uu dayn karo samayn karana.
Haduu marka sharad ku la galo inuusan la guursanayn ,shardigaasi wuu socan kara ayay leeyihiin imaam Axmad iyo culimo la mid ah .


Hadii uu shardigaa ku galo oo uu sidaas ku guursado isagaa xarig qoorta la galay waa inuu ilaaliyo marka. Hadii uu ilaalin waayo maxaa gabdha u furan? Waxaa u furan 2 mid inay u samirto oo u dulqaadato oo guriga aysan burburin waana sida fiican. Hadii ay u samri waydo xaq ayay u leedahay inay furitaan dalbato ama inay is fasaqdo hadii uu diido sababtuna waa in looga baxay shardigii lagu guursaday , hadii looga baxayna iyaduna waxay leedahay inay go 'aan qaadato. Inay samirto ayaana fiican. Sidaana Waa mad-habka imaam Axmad iyo culimo la mid qabaan. Wallahu aclam

Tixraac : https://youtu.be/NnOsvjBegbA?si=5SRmCQlhYJ1oGONO (daqiiqada 5:20)

Logo