U dabaaldagga dhalashada ma la ogol yahay(happy birthday)?
Dhaqan islaam ma'ahan, waa dhaqan gaalo oo iyaga laga soo gaaray nabigu scw wuxuu yiri من تشبه بقوم فهو منهم ruuxii dad kale dhaqamadooda qaata oo isku ekaysiiya , iyaguu ka mid yahay. Ummada muslimku waa ummad dhaqankeeda iyo caadaadkeeda kala madax banaan ummahadaha kale mana ahan mid waxay aragtaba iska uruursata. Iyadaa xaq ah dhaqankeeda xaq ah iyada in la raaco waaye ee ma ahan in iyadu ay raaco.
Tixraac: https://youtu.be/TBPre7TN7mA?si=3zaVmCSDnMUNuz2D(daqiiqada 5:33)