Anigoo salaada ku jira hadii aan akhriyo aayadda na amraysa inaan nabiga scw ku sallino , ma ku sallin karaa?
5:31 PM, April 27, 2024
Anigoo salaada ku jira hadii aan akhriyo aayadda na amraysa inaan nabiga scw ku sallino , ma ku sallin karaa?
Nabigu scw wuxuu yiri إنَّ في الصَّلاةِ شُغْلًا salaadda dhexdeeda waxaa ku jira mashquulid mar hadaad salaaad ku jirtid waad mashquulsantahay, ruux mashquulsanna wax kale lama sii saaro oo lama sii mashquuliyo. Salaada hadaad ku jirto salaaddu waa dikri , aqwaal iyo afcaal khaas ah waaye. Wax ka siyaadsanna ma galin kartid. Meel walba oo aad marayso dikri khaas ah ayaa loogu talagay. Dikrigii waxaan ahayn ma soo galin kartid si kastoo oo uu khayr badanyahay sidaas darteed aayadda amraysa in nabiga Scw lagu salliyo hadii aad salaad dhexdeeda ku akhrisid sallin maysid ee waad ka soconaysa ,sababtoo ah salaad baad ku jirtaa.
Waad ku sallin doontaa oo markaad ataxyaadsanayso 2da ataxyaadba nabiga scw waa lagu salinayaa saligu halkaasuu ku jiraam salaadda gudaheed meel aan sali ku jirjn ma galin kartid. Waxay la mid tahay meel aan loogu talain inaan subxaanalaah galisid, Subxaanallaah iyo alxamdulaahi waa dikir balse mid walba meel ayuu leeyahay , meeshaas uun baa la rabaa in galiyo. Hadaad ku sallido salaaddu ma buraysa? Maya ma burayso , laakiin waad khaldantay , salaaddiina waa ansaxaysaa laakiin inaan meeshaas saliga galisid ma ahayn.
Tixraac :https://youtu.be/TBPre7TN7mA?si=3zaVmCSDnMUNuz2D(daqiiqada 1aad)