Quraan badan oo bilaa tadabur ah iyo in yar oo aan ku tadaburo inaan akhriyo yaa fadli badan?

Horta quraanka waxaa loo soo dajiyay in lagu tadaburo , loo fiirfiirsado. Way fiicantahay hadii aad akhrinta badan iyo tadaburka jamciso sida salafka qaarkiis samayn jiray oo waxay lahaayeen khatmo tadabur ah oo waqti dheer qaadata , midkood ayaa laga sheegay: sandkii 13aad ayaan ku jiraa welina ma dhammayn, haddana maalin walba ama 3dii maalmoodba mar buu dhammeeya . Midna tadabur ayuu ugu talagalay ,tadaburkuna qofkii micnaha fahmayo ayuu u yaalla , midna Quraanka inuu wada maro ayuu ugu talalgalay marka qofku inuu sidaas u jamciyo dhib maleh . Laakiin hadii 2dii mid uun ay noqoto taas tadaburka ee Alle noo sheegay ﴾ كِتَابٌ أَنزَلْنَاهُ إِلَيْكَ مُبَارَكٌ لِّيَدَّبَّرُوا آيَاتِهِ وَلِيَتَذَكَّرَ أُولُو الْأَلْبَابِ ﴿ taas ayaa is leeyahay mudnaanta yeelanaysaa oo Allena ka dhigay sababtii quraanka loo soo dajiyay .

Sidoo kale qofka tadaburkaas laga rabo waa qofkii cilmiga lahaa ee af carabiga garnayay ee quraanka dhuuxi karayay amaa dadkeena caamada ah ee af carabiga garanayn iyagu inay quraanka dareeeriyaan oo ay horay u dhammeeyaan ayaa iga u fadli badan mar hadii ay quraanka micnhiisa aysan dhuuxi karin.

Tixraac: https://youtu.be/rA_ZrQ9WZ5I?si=RbZ4ohS-IjgU8yCg (daqiiqada 7:50)

Logo